Ardayda waxey hawada u tuurayaan koofida qalin jibinta
Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk
Qodob

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/13/2025, 8:55 GH

Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Muxuu yahay micnaha qiimeynta shahaadada?

Qiimeynta shahaadada waxaa shahaadadaada la barbardhigaysaa darajada tababarka ee Nederland. Nederlaan darajado kala duwan ayaa wax u baran kartaa. Darajo walba shahaado gaar ah ayaad u baahan tahay.

Shaqooyin badan oo Nederlaan ah waxaad u baahan tahay shahaado darajo gaar ah. Qiimeynta shahaadada waxey is barbar dhigeysaa shahaadada dibada iyo nidaamka waxbarashada ee Nederlaan.

Ururkan ayaa shahaadadaada ka qiimeyn kartaa

Waxaa Nederlaan shahaadada ka qiimeyneysaa ururka

Caalamiga Qiimeynta Shahaadooyinka (IDW)
.

Qiimeynta shahaadada Caalamiga (IDW) Internationale Diplomawaardering (IDW)

Websaaytka ururka Qiimaynta Aqoonsiga Caalamiga (IDW), waxaad ka codsan kartaa Qiimaynta Shahaado. Waxaad sidoo kale wici kartaa IDW adigoo garaacayo +3179 321 79 30 ama emayl udiraayo info@idw.nl.

Meequu joogaa qiimeynta shahaadada?

Qiimeynta shahaadadaada wuxuu ku kacayaa qarash ah € 148,83.

Ilaa 1 janaayo 2025 waxaa qaxootiga Yukrayn 1 shahaado ah loogu qiimeyn jirey lacag la'aan

IDW
. Laakin laga bilaabo 1 jaanyo 2025 taasi suura gal am aha maadaama aan lacag loo heynin. Laga bilaabo 1 janaayo 2025 waxaa qaxootiga Yukrayn shahaadada ku qiimeyn karaan iyagoo qarashka iska bixinaaya.

Maxaa ku jira qiimeynta shahaado?

Qiimeynta shahaado waa dhukumeenti oo ka kooban:

  • Magacaaga iyo taariikhda dhalashada.

  • Waxbarasho nocee ah aad so dhammaysey iyo mudada aay qaadatay.

  • Halkee iyo goormee aad qaaadatay waxbarashada.

  • Shahaadadee aad soo qaaday.

  • Taas oo heerka waxbarashada Nederlaanka shahaadaadu la mid tahay.

Qiimaynta Shahaado waxaa lagu qoray luuqada looga hadlo wadanka Nederland waxayna u saxiixantahay si dhijitaal ah.

Shahaadooyinkan waad qiimeyn kartaa

IDW isma barbardhigto dhammaan shahaadooyinka.

IDW waxay is barbardhigtaa shahaadooyinkan:

  • Shahaadooyinka heer qaran la aqoonsan yahay.

  • Shahaadooyinka tababarkooda ugu yaraan 1.000 saac socday.

IDW shahaadooyinkan isma barbardhigeyso:

  • Cadeymaha iyo shahaadooyinka tababarada gaagaaban iyo koorsooyinka.

  • Shahaadooyinka aan caalami ahaan loo aqoonsanayn.

  • Shahaadooyinka Nederlaan.

Waxaad heli kartaa qiimeyn tababarka aadan dhameystirin

Waxbarasho ma soo dhigatay, laakiin aadan dhameystirin? IDW taasina qiimeyn waxbarasho wey sameyn karaan. Taasi waa inaad ugu yaraan 1 sano aad waxbarashada soo dhameysatay.

Dokumentiyadee ayaad u baahan tahay?


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful