Nederlaan waxaa doomanka maraaya biyaha saaran dad ay xiran yihiin dhar midabka oranjka ah.
Laga soo xigtay: Paula Abrahao / Flickr
Warar cusub

Maalinta Boqorka ee Sabtida Abriil 26: dabaaldeg orange ah

La shaaciyey: 4/18/2025, 12:00 GH

Nederlaan waxaa sannad walba la dabaaldegaa 27 april dhalashada boqorka Willem-Alexander. Dabaaldeggan waa maalin loo yaqaan Koningsdag 'maalinta boqorka'. maadaama ay 27 april tahay axad, waxaan dabaaldegeynaa maalin ka hor. Sabtida 26 april ah. Ilaa 1980 dabaaldega marna lama sameeyo axada. Taasi waxaa go'aamisay boqoradii hore Juliana. Halkan hoose ka aqri sida maalinta Boqorka Nederlaan looga dabaaldego

Dowrka boqorka Nederlaan

Maalinta boqorka waxaa Nederlaan u dabaadagaayaan dhalashada Willem-Alexander. Maalinta boqorka ma aha maalin siyaasadeed laakiin waa maalin fasax ah. Boqorka waa madaxa dowladda Nederlaan wuxuuna qeyb ka yahay dowlada. laakiin dhab ahaantii boqorka saameyn kuma laha siyaasada waajibaadka boqorka guud ahaan waa mid astaan iyo xaflado

Nederlaan waxey leedahay boqor, laakiin hore waxey u lahayd boqorado. Waajibka boqorka ama boqorada ee Nederlaan waa isku mid. Waajibaadka siyaasadeed ee boqorka iyo boqorada Nederlaan ay leeyihiin waa:

  • Boqorka ama boqorada Nederlaan waxay saxiixayaan sharciyada, Go'aamada boqortooyada iyo heshiisyada caalamiga.

  • Boqorka ama boqorada waxey sannad walba ka hadlaan maalinta Boqortooyada iyagoo ka hadlaaya cadeynta dowlada iyo qorshaha sannadka soo socda. Maalinta Boqortooyada waa talaadada 3 aad ee sebtambar.

  • Boqorka ama boqorada waxey wiig walba kala hadlaan ra'iisul wasaaraha iyo waxey si joogto ula hadlaan wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada. Sidaa ayaa boqorka uga warhaaynaayaa maamulka dowlada.

  • Boqorka ama boqorada waxey magacaabaan wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada.

  • Boqorka ama boqorada waxey matalayaan Nederlaan wadanka gudahiisa -iyo dibadiisa.

Waajibyada kale ee boqorka ama boqorada waa iney tusaale ahaan ay furaan dhismooyinka cusub, khudbadaha laga sheego dhacdooyinka muhiimka ah ee Nederlaan iyo u dabaaldegida maalinta Boqorka ama boqorada.

Habeenka ka horeeya Koningsdag waa feesto

Habeenka ka horeeya maalinta boqorka ayaa loo yaqaan Habeenka Boqorka. Dad badan ayaa aada baararka ama maqaayada. Maqaayadaha qaar ayaa abaabula barnaamij ama ay imaanayaan fanaaniin iyo Dj-yada. Sannadkan Habeenka Boqorka waa sabti 26 abril 2025, Habeenka Boqorka waa habeenka jimcaha 25 abil 2024.

Waxaa familka boqorka ay booqanayaan maalinta Koningsdag magaalada Doetinchem

Sannad walba waxaa boqorka Willem-Alexander uu maalinta boqorka soo booqdaa magaalo ama tuulo Nederlaan ah. Tani waxaa uu la sameeyaa xaaskiisa boqorada Maxima, gabdhahooda Amalia, Alexia iyo ariane iyo dad kale oo reerka ah. Sannadkan waxey aadayaan magaalada Doetinchem ee gobolka Gelderland sabtida 26 abril 2025.

Dadka degan Emmen waxaa soo booqanaaya qoyska boqorka. Waxey tusayaan waxyaalaha quruxda leh ee magaalada iyo waxey abaabulaayaan ciyaaraha dhaqanka ee Nederlaan. Waxaa

NOS
ay ka soo deyneysaa telefishanka NPO1.

Maalinta boqorka waad ku dabaaldegeysaa degmadaada

Meela walba oo Nederlaan ah ayaa looga dabaaldegaa Maalinta boqorka. Tuulooyinka badankooda waxaa laga abaabulaa ciyaaro iyo kunsheertooyin. Dad badan ayaa xeranaaya dharka midabka oranjaha. Waayo midabka oranjaha waa midabka guriga boqortooyada ee Nederlaan. Dadka waxaa kaloo ay wajigooda ku mariyaan rinji calanka Nederlaan ah.

Ku dhawaad ​​magaalo kasta ama tuulo weyn, dadku waxay ku iibiyaan alaabtoodii hore waddada inta lagu jiro Maalinta Boqorka. Tani waa dhaqan. Dad badan ayaa dhigta rooga ay ku iibiyaan alaabtii hore, alaabta guriga ama, tusaale ahaan cd-yada ama buugaagta. Taas waxa loo yaqaan suuqa xorta ah. Ma doonaysaa in aad adigu wax iska iibiso ama aad wax ka raadiso suuqa xorta? Waydii meesha suuqa xorta ah ee degmadaada. Iyo ilaa intee ka hor waxaad sii qabsan kartaa boos laamiga si aad alaabta ugu iibiso.

Waxaa jiraaya waqtyo kale oo dukaamada iyo gaadiidka dadweynaha

Waxaa kaloo jiro arrimo kale oo loo baahan yahay in laga taxadaro Maalinta Boqorka:

  • Dadka badankooda waa fasaxan yihiin shaqada iyo iskuulka. Markaa weydii shaqo siiyahaaga.

  • Waxaa jiri kara waqtiyo kale oo gaadiidka dadweynaha.

  • Waxaa jiri kara waqtiyo kale oo dukaamada la furo.

Waxaa jira nidaamyo gedista qamrada iyo ku cabida jidka

Maalinta boqorka badiyaa dad badan ayaa banaanka qamrada ku cabaaya. Taasi rasmi ahaan meel walba lama oggola. Waxaa boliiska ay ku siin karaanganaax haddii aad meel aan la ogolayn ku cabto.

Degmooyinka qaar waa iney dukaamada waaweyn ee adeega u hogaansamaan shrciyada iibka qamriga. Markaa waxaa tusaale ahaa ay gadayaan 1 gasac oo biirka ah ama dhalo qamri ah qofkiiba.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful