
Sida loo dabaaldo Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka Nederlaan
Jimcaha Quman iyo Paas-ka waa maalmo fasax ah Nederlaan. Sannadkan wuxuu ku aadan yahay Jimacaha Quman 18 abril iyo Pasen-ka waa 20-21 aprl. Maalmahan dadka badankooda ee Nederlaan ma shaqeeyaan oo waxey u dabaaldegaan fasaxyada.
Dhaqan ahaan Goede vrijdag iyo Pasen-ka waa ciido masiixi ah
Goede Vrijdag waa maalinta ay masiixiyiinta xusayaan Ciise markii isku talaabta lagu qodbay. Masiixiyiinta waxey maalintan u arkaan calaamada uu Ciise u huray aadanaha. Sida uu qabo baybalka Ciise wuxuu dhimashadiisa ku bixiyey deynta dembiga.
Mudada paas-ka waxey masiixiyiinta u dabaadegaan markuu Ciise dhimashada ka soo kacay. Sida uu qabi baybalka wuxuu Ciise ka istaagay dhimashada axadii ka dib markii isku tallaabta lagu qodbay. Labada maalmoodba waxaa jira wacdiyayaal gaar ah masjidka.
Waxaa sida uu qabo Xafiiska Dhexe tirakoobka ee
Dukaaman badan wey xiran yihiin Pasen-ka
Maalinta koowaad ee Paas-ka (mar walba axad) dukaaman badan ayaa xiran Nederlaaan. Maalinta labaad ee Paas-ka (mar walba isniin) iyo Jimcaha Wanaagsan dukaaman badan wey furan yihiin, laakiin qaar ayaa heysta waqtiyo xadidan oo ay furan yihiin.
Dadka badankooda waa la fasaxaa shaqada iyo iskuulka
Dadka badankooda Jimcaha Quman iyo mudada Pasen iskuulada iyo shaqada wey ka fasaxa yihiin. Laakiin qof walba ma ahan. Haddii aad ka shaqeyso caafimaadka ama maqaayadaha, badiyaa waa inaad shaqeysaa. Ilaa aad iskaaga fasax uga qaadato shaqo siiyahaaga laguuna ogolaado.
U dabaaldegida Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka Nederlaan
Nederlaanka waxey 2 beri ee Paas-ka u dabaaldegaan si kala duwan. Qaarkood waxey aadaan kaniisada oo qabanaaya khudbad Paaska oo gaar ah, kuwana waxey la joogaan reerkooda iyo asxaabta. Badiyaa pas-ka dadka wey isla soo quracdaan, laakiin tani waxey kaloo noqon kartaa qado horteed ama qado ama cashada. Waxaa kaloo la abaabulaa xaflado: suuqyo paas-ka ah, dab la shido paas-ka iyo wada jir loo dabaaldego.
Nederlaan badan waxey ku qariyaan ukumo jardiinkooda ama meel kale oo banaanka ah. Taasi waa dhaqan ku saleysan bakeylaha paas-ka. Waa bakeyle la soo alifay oo deyrta ukumanka ilmaha u qariya. Run ahaantii waalidka ayaa u qarinaaya ukunta doorada iyo ukuman shukaalto ah ilmahooda. Ilmaha waxey raadinaayaan ukumanka. Sidoo kale waxey kalar mariyaan ilmaha Paas-ka ukumanka oo kalaro kala duwan ah. Taasi iskuulka ayaa badiyaa lagu sameeyaa.