Qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugaya xarunta magangalyada ee Ridderkerk
Laga soo xigtay: Merkportaal
Warar cusub

Maxay qaxootiga iyo magangelyodoonka Suuriya filan karaan bilaha soo socda?

La shaaciyey: 6/11/2025, 12:00 GH

Dowladda Nederlaan waxey go'aamisay in IND ay dib uga go'aamin doonto codsiyada magangelyo ee Suuriyiinta. Qodobkan waxaa ka aqrineysaa tallaabooyinka ay dowladda qaadeyso, cawaaqibta dhalan kara ee xaaladaada Nederlaan iyo qofka aad u tegi karto xag talo ama caawinaad

Laga bilaabo 14 juun IND dib ayey uga go'aamineysaa codsiyada magangelyada ee Suuriyiinta

Xaaladda Suuriya ayaan la hubin tan iyo markii madaxweyne Assad uu dalka ka qaxay Disambar 8, 2024. Sidaa darteed Nederlaan waxay go'aansatay inaysan ka baaraandegin codsiyada magangelyo ee qaxootiga Suuriya iyo Falastiiniyiinta ee Suuriya muddo 6 bilood ah. 6 daasi bilood waxay dhamaan doonaan 14 juun.

Bishii Disembar 2024, wasiir Faber ee magangalyada iyo socdaalka waxay sheegtay inay sugi doonto xeerar cusub oo Suuriyaanka ilaa laga helayo

warbixin rasmi ah
oo ku saabsan Suuriya. Warbixintaas rasmiga ah ee maajo waxa la shaaciyay 6 juun, 2025.

Maadaama dowlada Nederlaanka ay dhacday, Faber ma ahan wasiir. Iyadoo wararka rasmiga ku saleysan ayaa wasiirka bedelay Van Weel uu 10 juun 2025 warqad u diray Golaha wakiilada.Warqadan axaa ku qoran in 'siyaasad cusub' la soo bandhigi doono.

Qodobada ugu muhiimsan ee warqada laga soo xigtay waa:

  • Codsiyada magangelyada Suuriyaanka ee hadda jira, iyo dhamaan codsiyada magangelyada Suuriyaanka ee cusub, waxaa hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doona

    IND
    . Bilaha soo socda ayaa IND dhamaan wareysiyada sameyn doonaan. Qiyaastii 17.000 codsiyo magangelyo ee Suuriyaanka waa in weli laga go'aamiyaa.

  • Xaalada amaanka ee Suuriya wuxuu wasiir Van Weel ku magacaabay 'iney soo fiicnaatay' marka loo fiiriyo xaalada amaanka mudadii nidaamka Assad. Sidaa awgeed waxaa la filayaa bilaha soo socda in diidmo badan oo codsiyada magangelyada ah.

  • Xaalada amaanka

    lhbti'ga
    iyo alawiyiinta Suuriya wuxuu wasiirka u arkaa mid aan fiicnayn. Suuriyiinta kooxdan ah waxaa ay leeyihiin rajo fiican in codsiyadooda magangelyo la ogolaado. Laakiin xitaa dadkan waa iney mudada wareysigooda IND ay cadeeyaan in iyaga shaqsi ahaan qatar ku jiraan Suuriya

  • Xaalada Suuriyiinta ee sharciga deganaansho ku heysta Nederlaan taasi hadda waxba iskama bedelin. Wasiirka wuxuu warqada ku sheegay inuu la socon doono xaalada dadka sharciga leh. In sharciga deganaanshaha dib loo go'aamin doono mustaqbalka, weli lama oga.

Macluumaadka ugu muhiimsan ee laga soo xigtay warbixinta rasmiga ah ee dowladda May 2025

Warbixinta rasmiga ah ee cusub ee xaaladda amniga Suuriya ayaa la shaaciyay 6-dii Juun 2025. Dukumeentigu wuxuu ka kooban yahay 160 bog wuxuuna beddelayaa warbixinta rasmiga ah ee Diseembar 2024.

Wasiirka wuxuu iyadoo ku saleysan wararka rasmiga ee dowladda siyaasad cusub

qoray.

Tani waa warbixinta ugu muhiimsan ee warbixinta rasmiga ee maajo-juun 2025:

Warbixinta rasmiga waxey qeexaysaa in amaanka Suuriya ka dib weerarkii dhulka ee 27 nofembar 2024 bilowday, taasoo dhalisay bixitaankii madaweyne Assad ee 8 disambar 2024. Mudada lsg sheegay wararka rasmiga wuxuu qeexayaa inuu yahay dhamaadka nofeembar 2024 ilaa iyo abril 2025.

Kuwani waa arrimaha ugu muhiimsan

  • Waxaxaalada amaanka ee waqtigaasi ahayd mid aan xasilnayn,dagaalo lagu qaadayey alawieten (maarso) iyo druzen (abril-maajo). waxaa kaloo jirey aargudasho dadkii hore Assad - taageersanaa. Taasi ahqalalaase joogto iyo xakimaad iney jirinxagga dowladda Damascus ayaa si waadix ah u muuqday.

  • Xaalada amaanka ee waqtigaasiwuu is bedelaayey goob kastamagaalo iyo xataa xaafad. Xaalada amaanka wuxuu isbedelaa mar mar wiigba. Taasi waxaa keenay tusaale ahaaniska horimaadyada hebeysan iyo falalka militariga shisheeyebilihii hore ee ka dib bixitaanka Assad.

  • Xaalada amaanka waxaa kalo saameyn ku yeeshay arrimo kale,sida fal dambiyeedka. Dhicitaankii Assad ka dibwaxaa sii batayfal dembiyeedka,gaar ahaan magaalooyinka waaweym sida Dimishiq, Homs iyo Aleppo.

  • Gargaarka deg degaSuuriya kuma filna: dadku ma heysan cunto, biyo ama daryeel caafimaad. Guryo badan ayaa burburay iyo xaalad dhaqaale xumo ah ayaa jirey.

  • Waxaa meelaha qaarkood jireymuran iyo dagaal ka dhexeeya Suuriyiinta soo noqonaaya iyo dadkii meesha sii deganaa. Suuriyiinta soo noqday ma oggolaanin bulshadii meesha ku horey u joogay oo markaa dib ayey uga qaxeen Suuriya

Waxaad mareegatn ka heleysaa wararka rasmiga ee dowladda Nederlaan.

Maxaad adiga sameyn kartaa haddii IND codsigaaga magangelyo dib uga go'aamin doonto?

Haddii IND ay mar kale go'aamiso codsiyada magangalyada ee Suuriya, waxaa marka hore wareysi cusub la yeelan doontaa IND. Kadibna waxay dib u eegi doonaan inay weli aad khatar kuugu tahay shakhsi ahaan inaad ku noqoto Suuriya

Haddii IND ay diido codsigaga magangelyo ama ay kala noqoto sharcigaaga, tani macnaheedu maaha in lagu masaafurinayo. Nederlaan wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama laha Suuriya. Taas macneheedu waxa weeye in aanay jirin dublamaasiyiin, safaarado ama

qunsuliyadaha guud
kuwaas oo Suuriya u jooga wakiil Nederlaan ama Nederlaan oo wakiil ka ah Suuriya. Iyo si ay awood ugu yeelato inay dib u soo celiso Suuriya, Nederlaan waa inay marka hore xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Suuriya mar kale.

Waa muhiim inaad caddayso inaad weli khatar shakhsi ah ugu jirto Suuriya maanta. Sidaa darteed, si fiican ugu diyaargarow waraysiga IND oo soo ururi macluumaadka muujinaya in aanay weli ammaan kuu ahayn Suuriya. Halkan ka akhri waxaad samayn karto si aad si fiican ugu diyaargarowdo nidaamka magangalyada Nederlaan.

Haddii aad haysatay oggolaansho muddo ah 5 sano ama ka badan, waxaa wanaagsan inaad codsato

ogolaanshaha magangelyo muddo aan la cayimin
. Sharciga ogolaanshaha muddo aan xadidnayn dib looma baari doono lamana noqson karo.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful