Laga soo xigtay: Symbiot
Warar cusub

Waxaa 24 iyo 25 juun la qabanayaa shirka-NATO ee Den Haag: kuwani waa saameynta qaran ay ku yeelaneyso taraafikada wadooyinka iyo gaadiidka dadweynaha

La shaaciyey: 6/16/2025, 12:00 GH

Shirka-NATO ayaa ka dhici doona Den Haag 24 iyo 25 juun. Taasi waxey saameyn ku yeelaneysaa gelitaanka Den Haag iyo taraafikada u socda magaalooyinka kale. Dhibaatada taraafikada waxey socon doonaan 22 ilaa 27 juun. Ka aqri maqaalkan waxa ka dhalan kara.

Qeybo ka mid ah Den Haag lama geli karo 24 iyo 25 juun

Kumanaan kun oo madax ah oo ka socda wadamada ka tirsan

NATO
ayaa imaanaya Netherlands sanadkan.
Shir madaxeedka NATO
wuxuu ka dhacayaa World Forum ee Scheveningen, Den Haag. Degmada Den Haag ayaa sheegtay in meelo kooban oo ku yaala agagaarka World Forum ay qayb ahaan xirmeen
: jidadka ku xeeran World Forum, Zeestraat ee xeebta ku teedsan, dekedda Scheveningen iyo beerta Haagse Bos. Dadka degan xaafadahaas ayaa og tallaabooyinka. U safrida magaalada ee qeybahan ma suurta galeyso.

Isku socodkii gaadiidka ee u dhexeeyey Den Haag iyo magaalooyinka kae ayaa qeyb hakanayaa

Juun 24 iyo 25 waxaa jiri doona dhibaatooyin xagga gaadiidka u dhexeeya Den Haag, Rotterdam, Leiden iyo Amsterdam. Wassenaar, Bollenstreek, Noordwijk iyo Katwijk sidoo kale way adag tahay in la gaaro

Wadooyinka waa la xirayaa waxaana suur gal ah iney noqoto inaad jid kale ku safartaa. Jidadka ayaa mashquul noqon doona, waqtiyada safarkana waa dheeraan doonaa

Mareegta Rijkswaterstaat waxaad ka akhrisan kartaa cawaaqibka ka dhalan kara wadada.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad deggan tahay, booqo bogga internetka ee degmadaada

Gaadiidka dadweynaha masquul badan ayuu noqon doonaa waxaa suura gal ah in gaadiidka la baajiyo

Wadooyinka oo xiran awgeed ayaa gaadiidka dadweynaha mashquul noqonaaya 24 iyo 25 juun. Waxaa jira fursad ah in tareenada, basaska ama gaadiidka kale qaar la joojiyo

NS
waxay tusinaysaa in tareenadu socdaan, laakiin laga yaabo inay mashquul badan tahay. la soco qorshaha safarka NS.

Taraamyada iyo basaska Hague waxay maraan wadooyin kale. Sidaa darteed, isticmaal qorsheeyaha safarka sida OV-9292

ama Google Maps

Hogaamiyayaasha NATO waxay ku imaanyaan Schiphol, tani waxay cawaaqib ku yeelanaysaa socotada kale

Hogaamiyayaasha NATO ayaa imaan doona garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam. Waxay sidoo kale halkaas ka dhoofi doonaan marka uu dhamaado shirka madaxda-NATO. Tani waxay keeni kartaa isbedel ku yimaada irdaha dhoofida haddii aad ka soo duulayso Schiphol. Haddii aad duulayso, isha ku hay website-ka Schiphol.Gaadiidka tareenada ee sii mara Schiphol, isha ku hay shabakada NS.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful