Naag waayeel ah oo hor fadhida laptop-ka iyo si feejigan u fiirineysa shaashada iyadoo hal gacan ku wada warqada dokumenti ah
Laga soo xigtay: Julia Zavalishina | Shutterstock
Qodob

Sharuudahan ayaa ku heli kartaa dhalasho Nederlaanka ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/18/2025, 10:48 GH

Ma haysataa sharci degenaansho magangelyo oo ma doonaysaa inaad Nederland noqoto? Taasi waa ku qaadan kartaa dhalashada. Si taas loo sameeyo, waa inaad buuxisaa shuruudaha qaarkood. Qorshahan tallaabo-tallaabo ah waxaad ku aqrin kartaa shuruudaha iyo sida nidaamku u shaqeeyo haddii aad haysato sharci deganaansho magangalyo.

Kuwani waa sharuudaha dhalashada marka aad sharci deganaansho magangelyo heysato

  1. Waxaad jirtaa 18 jir ama ka badan

  2. Waxaad degan tahay 5 sano oo xariira oo sharci deganaansho magangelyo Nederlaan. Aadna waqtigiisa sharciga deganaanshaha ku cusbooneysiisay

  3. Waxaad heysataa sharciga deganaanshaha aan waqtiga ku xirnayn. Markaa waxaad marka hore heysataa 5 sano sharci deganaansho magangelyo oo waqti go'an. Ka dibna uu dhamaaday oo aad weydiisatay mid aah waqti ku xirnayn oo lagu siiyey. Sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn ka dib ayaad Nederlaan noqon kartaa. Halkan ka aqri wixii dheeraad ee ku saabsan codsashada sharciga deganaanshaha aan waqtiga ku xirnayn.

  4. Waxaad tahay qof la qabsaday. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad si kaafi ah Nederlaanka ku hadli karto, aqrin karto, qori karto iyo fahmi karto. Sidoo kale waad isku dabiri kartaa bulshada Nederlaanka. Si aad u muujiso inaad la qabsatay, waa inaad heysataa shahaadada la qabsashada. Shahaadada la qabsashada markaa heysato ka dib ayaa Nederlaan noqon kartaa.

  5. Kuma tihid qatar bulshada iyo amaanka Nederlaan

  6. Waxaad ballan qaadeysaa inaad 'cadeynta ku xirnaanshaha' aad ku dhawaaqeyso wada kulanka aad Nederlaan ku noqoneyso. Waxaad cadeynta dhaheysaa inaad ogtahay sharciyada Nederlaan oo dhamaan xaquuqda iyo waajibaadyada adigana ku khuseeyaan. Iyo inaad ixtiraamto oo aad dhowreyso

Haddii aad Nederlaan noqoto waa inaad magac hore iyo magac dambe lahaataa

Sida uu dhigaayo sharciga Nederlaanka waa inuu qof walba oo jooga Nederlaan uu lahaadaa magac hore iyo magac dambe. Magacaaga ma ka kooban yahay magacyo xariira aan lahayn 1 magac hore iyo 1 magac dambe? Markaa waa inaad haddii aad rabto inaad Nederlaan noqoto aad magacyadaasi mid ka doorataa ah magac dambe

Haddii aad ka yar tahay 18 jir, waxaad isla mar waalidka(aaga) la noqon kartaa Nederlaan

Haddii aad heysanin dhalasho, waxaa jiro sharuudo kale si aad muwaadin Nederlaan u noqoto

Mar mar adigoo haysta sharci waqti ku xiran ayaad Nederlaan noqon kartaa


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful