
Waxaad codsiga inaad Nederlaan noqoto ka sameyneysaa degmada aad degan tahay
Ma rabtaa inaad Nederlaan noqoto? Markaa waa inaad degmada ka sameysaa 'codsiga jinsiyada' iyo aad bixisaa qarashka codsiga.
Codsiga degmada ayaad ka sameyneysaa
Waa inaad shaqsi ahaan uga weydiisataa degamada inaad rabto inaad Nederlaan noqoto. Halkaasi ayaad foomka codsiga ka buuxineysaa aad ku noqoneyso Nederllaan oo kula buuxinaayo shaqaalaha qeybta arrimaha madaniga. Ka fiiri websaaytka degmada ama wac degmada si aad u weydiiso haddii loo baahan yahay inaad ballan sameysato
Codsiga inaad noqoto Nederlaan kama sameyn kartid onlaynka
Hadii aad rabto iney ilmahaaga kula noqdaan Nederlaan waa in magacyadooda sidoo kale codsiga ku qoran yahay. Ilamah 12 jir ama ka weyn waa iney kuu raacaan ballanta degmada.
Waa lacag marka la noqonaayo Nederlaanka
Codsiga inaad Nederlaan noqotaa, waa lacag. Lacagta aad bixineyso waxaa loo yaqaan 'shati'. Qarashkan waxaad bixineysaa marka aad codsiga gudbineyso. Degmada ayaa xadka qarashka aad bixineyso xadideysa. Ka dib markaad bixisey, ayey degmada codsigaaga ka howlgaleysaa. Codsiga waxaa ku baxaaya inta soo socota
Qofkiiba waxaa uu ku kacayaa € 811,-.
Codsiga adiga iyo lammaanahaaga waxaad bixineysaa € 1.114, -. Marka aad codsiga gudbineysaan lammane ahaan qasab ma ahan inaad is guursataan ama is qabtaan. Laakiin waa inaad xariir aad wada leedihiin iyo wada degan tihiin.
Carruurta aan qaan-gaarin ee waalidkooda la noqda Nederlaan, waxaad bixinaysaa lacag dhan €161,-.
Waxaad ballanqaadeysaa "cadeynta midnimada' ayaa ku dhawaaqeysaa
Haddii aad codsiga jinsiyada aad degmada ka sameyso, waa inaad ballan qaadaa inaad haddii aad Nederlaan noqoto aad 'cadeynta midnimada' ku dhawaaqdaa. Waa inaad codsiga aad degmada ka sameyneyso aad warqad saxiixdaa. Sidoo kale da'yarka 16 jir ama ka weyn waa iney haddii ay Nederlaan noqonayaan ay cadeynta ku dhawaaqaan iyo iyagana waa iney warqada degmada ka saxiixaan.
Degmada waxey qoreysaa talo oo waxey codsigaaga u direysaa IND
Degmada waxey fiirineysaa in warbixintaada shaqsiga uu sax yahay ama inaad dhamaan sharuudaha ka soo baxeysid. Ka dibna waxey degmada qoreysaa talo ama waxey u arkaan inaadan Nederlaan noqon karin. Taladani waxey degmada u direysaa iyada iyo codsigaaga